DHISO  DHALINYARO  NIMODAADA

Odhaah indian ah waxay tidhaahda (HA ISKU DAYIN INAAD QABATO WAYNAANTAA 

WAXAAD YARAAN TAADII QABAN WAYDAY)

waa  maxay dhibaatada koowaad ee ina haysata ka dhalinyaro ahaan taasoo in badan oo inaga

mida wareerka ku riday?

dhibaatadasna wax kale maaha ee  waa waxa gudaheena ku jira  iyo waxa aynu raadinayno

inaysan is lahaynba waana sabab jirta oo dhalinyaro badan haysata

markaan yar yarayn hadaan dib ufiirino waxan iska dhaadhicin jirnay inaynaan wax xoriyad 

ah haysan gabi ahaanba sidoo kale waxaan nafteena ugu sheekayn jirnay waxan marabo 

schoolkan m rabo markan waynado ayan sidan samyn 

waxaad saa soo ahaataba waxaa lagaadhi waqtigaad noqon lahayd qof wayn oo caqli leh

markaasna waxaa imaan doonta inaad ogaato inaadan haysan wax xoriyad ah gabi ahaanba

wakhtigaad yarayd saad isulahayd wax walba fudayd ayay noqonayaan markaad waynaato

waxaad ku war heli inay wax walba ka gadisan yihiin sidaad moodaysay 

waana markaa marka ay in badan is waydiinayso MA SIDANAA NOLOSHA DHABTA AHI

inaad subaxa hore soo kacdo shaqo ama waxbarasho aad aadid kasoo laabadtid xaafada 

timaadid wax iska cunto marka habeenkii lagaadhona aad iska seexato berrin SIDII SI 

LAMIDA 

WAA WAQTIGAA AAD DAREEMAYSID SIDAAD MOODAY INAANAY  NOLOSHU

AHAYN waa xiligaa xiliga aad dhahayso waxaa islahaa markaad waynaato ayaad xoriyad iyo

Farxadba heli laakiin sidaa lidkeed waxaad ka war heli xoriyadii aad is lahayd waad heli in

markaad sii waynaatoba ay meesha ka sii baxayso 

badana markaan yar-yar nahay magaranayno waxaan nahay iyo waxaan rabno 

sababtoo ah wali molosha dhabta ah maynaan arkin  

taasoo markaa keenaysa inaan dabino badan ku dhacno dabinadaaas oo ah Qaadashada

Go.aanada dadka kale inay ku dhahaan waxan baro sidan samee shaqadsaana fiican 

jaamacadan tag Adiguna ad wax walba haa dhahdo  Adigoon wax su.aal ah ka keenin

ama is waydiinin waxan Rabitaan kaaga ma yahay iyo maxad ka fa.iidaysaa waxan ay

dadku kuu tilmaamayaan mase yahay waxaad adiga go.aankaaga ku dooratay

waxaad saas uraacdaba go.aamada dadka kale ugu dambayn waxaa dhacaysa inaad soo 

istaagto marxalad aadan wixii ka helinba   Gabi aahan

waxaa dhacaysa inaad subax soo kacayso iyadoo noloshu tii aad taqaanayba ayna ahayn

sidoo kalena jaah wareer kugu dhacay meel aad wax ka bilow dana aadan Aqoon  gabi Ahaanba

markaa midan wax badan ayaa soo hoos galaya 

TUSAALE AHAAN 

Kuliyad Aadan adiga naf ahaantaada Rabin laakiin Qof kale kugula taliyay  oo ku odhanaya

kuliyadan ayaa fiican ee maad iska baratid adna markiiba hore ayaad ka qaadatay 

waxad sidii ugu jirtaba waxaa dhacaysa inaad mardambe ku baraarugto inaysan kuliyadan

ahaynba waxaad Adiga dooratay ee ay tahay hadal kugu yidhi aad iska raacday ka dib

waa digaa cidla soo istaagay  hadana sidaasoo ay tahay waxaad marba marka kasii

dambaysa aad isleedahay isku yara qasab maalinka dambe si toosa ayaad uga soo istagi

laakiin waa xillima waa Goor WAX WALBA  DHAMAADEEN  OO WAQTI BADAN

KAAGA LUMAY

(WAA  MARKAA  AAD  DAREEMAYSO  INAAD  DABIN  KU DHACDAY)

Taas  oo lagayaabo inay noloshaada wax badn iska badasho sidoo kalena ad Dareento

farxad la.aan iyo inaad noloshaadaba ku raaxaysan waydo 

markaa midan ayaa lagu kala duwan yahay 

DADKA QAAR WAY UWANAAGSAN  TAHAY INAY DAREEMAAN  DABINKAAS 

sabab too ah  haydayna dareemi lahayn waxaa dhici lahayd inay noloshooduba ku bur-burto

halkaas oo markiiba is badal ayay samaynayaan  

TUSAALE

qofkii wuxuu markiiba gudo galayaa wixii uu markii hore waday  ee ay dadku ka daba wadeen 

inuu halkii ku dhaafo oo isla markiiba shaygii ay naftiisu ku raaxaysanaysay uu bilaabo

sidoo kalena uu gudo galo halkaasna uu fursad kale ka dhisto

HALKA  DADKA kalena ay udaran tahay inay  dareemaan midan qaas ahaan  dadka 

balwada leh taasoo ku sababaysa inay control kooda lumiyaan 


HADABA AKHRISTE waxaan kugula talinayaa  inaad ka fiirsato waxa ay dadku kuu

sheegayaan ama ay kuu tilmaamayaan