48 KA  SHARCI  EE  AWOODA 

ROBERT GREENE  /  QORAAGA  /  BUUGA  /  THE 48 LAWS OF POWER

Maanta waxaa halkan kugula wadaagi doona mid ka mida buugaagta loogu iib siga badan yahay

oo Aniga shaqsi ahaan markaan eegay aan u arkay in shay la taaban karo laga faa.iidaayp

waxaan halkan kugula wadaagi doona 48 qodob qaar ka mida aan u arkay inay ugu muhuumsan yihiin 

buugan lagu magcaaco 48 sharci  ee Awooda 

1)WAX BADAN YAANAN LAGAA OGAANIN 

si aanan loo Qiyaasin tallaabada xigta ee aad qaadi doonto  wuxuu lee yahay Qoraagu 

dadku way ixtiraamaan ka baqaan qadariyaan  waxa QARSOON waxa aany waxba ka Aqoon

in aanan wax badan lagaa ogayn waa Awood iyo haybad ee HA NOQON BUUG FURAN 

Qoraga ayaa saas ku dhahayo bani aadamku waa noole dhac dhac badan iskuna daya inuu wax

badan ogaado markasta 

TuSAALE

hadii aad tahay buug furan oo kale talaabo walba oo aad qaadaysana  layaaqaan lasii qiyaasi karo

waxa xiga ee aad samaynayso Dadku waxayba dareemi ayuu ku lee yahay sidii inayba ku maamulaan

in ay gacanta ku hayan noloshaada sabab too ah wax walba aad samaynayso way ogyihiin 

hadaba wuxuu ku lee yahay qoraagu noqo qof aanan la qiyaasi karin lana fahmi karin waxa uu 

samayn doono QORAAGU WUXUU KU LEE YAHAY  HA NOQON SIDA DUURJOOGTA

Qofka ugaar sadaa ah wuxuu udhigaa ugaadha asagoo qiyaasaya meesha ay ugaarta soo mari 

doonto wuxuu og yahay talaabada xigta ee ay ugaarta qaadi doonto taas oo keenaysa inuu meeshii

ay mari lahayd dabin udhigu Hdaba Qoraagu wuxuu sii Raaciyay mar walba oo aad tahay sida buug

furan oo kale waxaa sahlananaaya in lagu ugaadh sado waliba si fudud laguu qabto

2)XILLIYADA QAAR CIYAAR SIDA INAAD DOQON TAHAY SI AAD DOQON  UQABATO

ma jiro qof jecel inuu ka doqon san yahay qof kale laakiin markaad ujeedkaada gaarayso

umuuji inayba kaa caqli badan yihiin halka aad adiga hoos ka qoslayso Adigoo og xaqiiqadaada

sidii inaadba dabin udhigayso oo kale khatar yaysan dareemin si aad uqabato 

TUSAALE

Waad aragtay hooyooyinka  caruurta marka ay yar yar yihiin ayna da.doodu tahay 6 ilaa 8 sano

ayna orodka badan yihiin uma muujiso xanaaq marka ay qabto inay qabato ama xaalada xaqiiqiga ah 

ee ay dareemayso way uyara qososhaa si uu ugu imaado muhiimada qodobkan ayaa ah

in aad xillida qaar isyara daadiso

3)GARAAC ARI JIRKA SI UU ARIGA UKALA CARARO

inta badan mushkiladaha kala duwan ee aan la kulano waxaa sabab u ah hal shay oo wayn 

shay ayaa aas aas u ah mushkiladaas ha isku mashquulinin loolanada yar-yar  

Tusaale : ciidan hadii ladilo hogaamiyahooda ciidankaas waa uu kala yaacaa 

markaa qodobkaan wuxuu ku leeyahay ha eegin dhibaatada yar-yar ee isku day inaad wax

ka qabato halka ugu muhiimsan aadna ku xalin karto 

4) TOOSHKA HA ISKU BEEGIN SI AANAN LAGUU BAR TILMAAMEEDSAN 

TUSAALE : hadii aad tahay shaqaale ama arday meel ku cusub ama aad tahay madax cusub laakiin

maxad kale ka sarayso  WUXUU KU LEEYAHAY QORAAGO 

Ha umuujinin inaad loolan kula jirto ama aad ka fiican tahay  si xigmadaysan howlahaaga uwado 

laakiin ha isu muujin inaad Aqoon badan tahay ka saxsan tahay sii Qadarinta ay mudan yihiin

si aanu umoodin inaad khatar ku tahay oo kale 

5) SUMCADA /  SUMCADAADA  

SUMCADA waa dhagaxa aas aaska u ah waxa aad tahay sida uu qoraagu lee yahay

sumcadaada waa Awoodaa taa badal keeda hadii ay sumcadaada ay wax yar hoos udhacdo 

banaan ka ayaad ku soo dhacaysaa cid walabana waxay kuugu istaagay sida inaad tahay meel

la maro oo kale Hdaba qoraagu wuxuu ku leeyahay

Xooji sumcadaada mar walbanafeejigoow  sidoo kalena ka fogoow meel walba iyo cid walba 

oo sumcadaada hoos udhigaysa 

6) BARO MARKAAD IS TAAGAYSO 

TUSAALE; wuxuu qoraagu leeyahay HADII AAD LIBAAX KA  BADBAADO HA 

isku dayin inaad ugaarsato sidoo kale markaas aad xaqiijisay wixii aad ku taamaysay  waa marka

ugu khatarsan second kaas ah guul iyo farxad isku qasan ayaa kaa tuuri kara buurta isla waynida 

iyo kalsooni xad dhaaf ah inaad usii gudubto talaabo aadan kusii talo galin ka dib EBER soo

istaagto mar kale qoraagu wuxuu ku leeyahay talaabo ayaad go.aan satay inaad qaado laakiin

waa inaad ogaataa markaad istaagayso