kala duwanaanshaha udhexeeya  DHIIRIGAIN IYO JOOGTAYNTA

waxaa laga yabaa badan noloshaada ama xaalada aad ku jirtid inay ku soo martay  dhawr 

vedio oo kala duwan oo ku dhahaya waad samayn kartaa wax walba waad qaban kartaa waad 

guulaysan kartaa Awoodeedaad leedahay iyo wixii lamida  ka dibna aad maalinkii fadhiga ka kacday

social media ka baxday Rabtid inaad wax qabsatid laakiin hadana maalinkaas markuu dhamaday 

Barri aad meeshaadii ku soo laabatay waxaa laga yabaa inaad iswaydiinayso shalay dhiirigalin

baan haystay waan dhiiranaa Fadhigaan ka kacay meeshaan taagnaa baan hore uga socday 

hadana Dib ayaan ugu laabtay meeshii aan taagnaa  ee maxay tahay sababtu? 

Waxaas waxaa layidhaahdaa  dheecaanka ay dhiiri galintu ee Dopamine ka oo kor ukacay 

marka dheecaan kaas uu dhamadana waxaad dareemaysaa caajis iyo inaadan waxba qaban karin 

sababtuna waa maskaxdaada ayaan sii joogtayn karayn dheecaankii ay sii daysay markii aad dhagay

satay hadlada dhiirigalinta ah  

HADABA maxay tahay dhiirigalinyu?

*dhiirigalintu waa Awooda aynu ku dareeno in aynu qaban karno waxyaabaha Qaar ama ficilada

qaarkood sida inaad gym ka aadid  wax Akhrisid ama shaqo kaleba qabatid  

sidaa darteed dhiirigalintu maaha wax ay sii joogtayn karayso maskaxdaadu  sababtoo ah 

waa dheecaan marna kor ukacaya marna hoos udhacaya Hada waad fahantay dhiirigalintu

inay tahay waxa sababa in waxla qabto laakiin aan lasii wadi  karin ama la sii joogtayn karin

ama aan kugu sii hayn karin meesha si aad ugaadho waxaad ka rabto shaygaas aad bilowaday 

*waa maxay discipline?

discipline waa ficilka lagu sii wadu joogtaynta si aad ugaadhid goals kaaga  

sidaa darteed farqiga udhexeeya motivation and discipline  ayaa ah 

dhiirigalintu waxay sababtaa kaliya  inaad ku dhaqaaqdidi ficilka laakiin kuguma sii haynayso 

meeshaas  waxaana lagaa yaabaa inaad dareento maanta inaad wax kasta qaban karto laakiin

bari waxaad dareemaysaa in aadan waxba qaban karin muxuu yahay waxa dhacay waayo

maanta waxaa heshay diirigalinta waxaa aad ku bilowday laakiin ma haysatid wixii aad ku sii

wadi lahayd waxaa aad bilowday   maxay muhiim utahay marka inaad noloshaada isticmaashid

discipline  sideena u isticmaali kartaa discipline ka muxuu se yahay discipline?

waan isla fahanyay discipline  waa waxa sii wadaya kuuna ogolaanaya in ficilada aad samaysid 

sii joogtayso 

hadaba farqiga udhexeeya motivation iyo discipline ayaa ah sidaan soo sheegnayba 

motivation,,waa dheecaan masaxdu soo dayso kasoo aan joogto ahayn marnaba mana aha wax 

laysku halayn karo  mustaqbalna sababi karta  LAAKIIN

Discipline ,, waa in aanad raacin sida aad markaa dareemayso 

Tusaale hadii aad qorshaysatay maanta inaad qabanyso 5.howlood laakiin markii aad 4 kamida 

qabatay ayaad waxaad dareentay caajis iyo inay naftu ku dhahayso bari ayaad dhamaystiri

sidaas darteed ayaan kuu leeyahay ha raacin sida aad dareemayso ee raac waxa ay maskaxdaadu ku

farayso kuuna wanaagsan adiga  UGU DAMBAYN 

MOTIVATION=%10

DISCIPLINE=%90

iskuna day naftaada inaad adiga hogaamiso kana fakartid waxaa kuu fiican iyo waxa kuu xun 

intaba  kuna darso qorshaaga maalinlah ah discipline si aad qorshahaaga uga guul gaadho