SIRTU WAA ROUTINE  KA 

WAA AXAY ROUTINE?

ROUTINE WAA WAA SHAYGA AAD SIDA MAALIN LAHA AMA ISBUUCLAHA AH AAD 

UGU SOO CECELISO

SIDA KALECAAJIS KU CELCELIN NOLOL HAL QAAB AH WAX SOO LAALABANAAYA 

laakiin ma og tahay hadii aadan lahayn routine ay tahay sida  in aadan noolayn oo kale 

waxaan ulajeedaa in aadan dhadhanka nolosha dareemayn in aadan waxba Qaban karin wax soo saar

kaadu uu hoos udhacaayo  xitaa caafimaad ahaan dharbaaxo ayaa kugu dhacayso 

JORDAN PETERSON  AYAA WUXUU LEEYAHAY 

(Majiro Qof noolaan kara routine la.aan hadii aadan lahayn Routine waa inad si degdeg ah uyeelataa)

KALMADA HADII AADAN ROUTINE LAHAYN =INAAD MAYD TAHAY

Runtii waa hadal wayn laakiin hadalkaan wayn inuu uqalmo iyo in kale hada ayaan ogaanaynaa

Kown kan hadii aad ufiirsato waxaad ku arkaysaa inuu ku dhisan yahay  Routine  wax walba 

inay soo noq noqonayaan ay soo wareeganaayaan bal ufiirso Arinka cajiibka ah

SUBAX IYO GALAB SI JOOGTA AH HABEEN IYO MAALIN SI JOOGTA AH 

sibuucii sidaan ognahay waa 7 daas maalin ee soo laab laabanaya  saacadu waa 60 minute ee soo

laalaabanaaya macnaha wax walba waa ay xisaabsan yihiin DAYR IYO GU  / XAGAA IYO JILAAL

Afar xili halkii sano si joogta ah usoo laalabanaayo sanad walbana la og yahay xiliga ku soo aadan

Xilli qabaw xilliga kulul xilliga roobka xilliga jiilaalka  

WALIBA KA MUSLIM AHAAN  MAALIN 5 MAR AYAAD TUKATAA  SANAD WALBA BIL

KAAMIL AH AYAAD SOONTAA  SI SOO NOQ-NOQONAYSO WAAJIB ALLE KU SAARAY

Nolosheena talow hadii ay  maalin wada ahaan lahayd maxan samayn lahayn ama habeen oo kaliya 

aanan is badalayn hal qaab uun ay nolosheenu usocoto 

Ila sawiro Cadaabta aad galayso noloshaadu hadii aanay routine lahayn  

noloshaadu tahay sida habeen kailyo oo kale  micnaha adan lahayn shay aad qabanayso subaxdii

markaas soo kacdo xilliga aad rabto aad soo kacayso xiliga aad rabto ad seexanayso 

FARQI uuna udhaxayn wqatiga aad iska baashaalayso iyo waqtiga dhabta ah noloshaada dhan ay tahay

halkaas qaab 

Hadii aad tahay Qof dhalinyo waad dareemi karo school ama jaamacad aad dhigatid aad dhamaysay 

oo aad shaqo doon tahay Guriga aad iska joogto waxaad dareemaysaa inaysan xitaa xaafadu u

adkaysan karin tasarufaadkaaga  inay wax kaa qaldan yihiin waad dareemaysaa SABABTOO AH

waxaad lahayd ROUTINE ah subaxdii inaad kalahdo school aad aado  ka dibna duhurka timaado 

yara nasato casarkiina aad meel kale aado laakiin markaad guriga iska joogto aad caajisto 

maanta dhan aad hurudo cida ku biilisa ma jeclaanaayaan  macanaha in lagugu tilmaamaayo 

QOF YARA DOQON AH INAD TAHAY 

AAN KULA WADAAGO QISADAAN 

HARUKI MURAKAMI  QORAA  JAPAN U DHASHAY 


ninka buugaagtiisa lagu tujumay 50 luqadood  nin kamida dadka buugaag tooda loogu

iibsiga badan yahay 

" ninkaan tijaabadiisa wuxuu yidhi markii aan isaga tagay shaqada oo aan bilaabay Qoritaanka

buugaagta wuxuu yiri waxaan dhex galay bad fowdo ah waxba aanan qaban karin farqi uuna

udhaxaynin waqtiga aan seexanaayo waqtiga aan shaqaynaayo waqtiga dhabta ah iyo waqtiga kale

waqtigaygana meel uu ka baxay ma aqaano ilaa markii dambe samays tay ROUTINE uuna 

ka leexanayn 6 saac oo xidhiidha galinka hore ee maalinta si joogta ah maalin walba oo ay qoraxi

soo baxdo inaan 6 saac  wax qoro  waana marka ugu badan ee uu buugaagtaas Alifay ''

 WAXAA JIRA QISADA ARDAY  WAXBARASHO U AADAY  SOUTH     KOREA

"wuxuu yiri waxaan raaci jiray bus jaamacada igeeyo maalin walbana 50 minute ayaan sii saarnaan

jiray cid aan la hadlo malahan qof aan aqaano malahan  yacnii isbuucii ugu horeeyay waxaan 

dareemay caajis aad ubadan 50 minute iska fadhi  macana cadab dhab ah 

LAAKIIN waxuu yiri hadii aad iwaydiiso maanta maxaad ka tabaysaa south Korea   waxaan ku 

odhan waxaan ubaahany 50 minute ee Korea aan bus ka saarnan jiray  waxaan bartay ayuu yiri 

inaan routine samaysto ah inaan 50 minute kaas aan buska saaranahay aan wax Akhriyo 

maantana waa Qoraa wayn waxaana sabab u ahaa routina kaas uu  raacay 50 minute ayaa sabab

u hayd ROUTINE II NOQOTAY KA DIBNA AAN ISKA JECLAADAY