furaha Albab Walba Qaybtii Labaad 

waxaa filayaa inaad qaybtii hore soo Akrisatay halkana aan kasii amba qaadi doono qaybtii labaad

Qoraagu wuxuu leeyahay hadii aan rabo inaan magaa;ada aado  wax aan soo qabsado laakiin 

maskaxdayda ay ku jirto inaan fashil maayo maba kici karo ayuu ku leeyahay laakiin markaan

ku baraarugay daqiiqadaas xaalada aan Dareemaayo ee xun in aanan u ogolaanin inay siisocoto

waxaan ku badalaa ayuu yiri iska dhaadhicinta wax wanaagsan inaydhacaayaan hadii aan suuqa aado

shaygaas aan ka baqaayo inaan ku soo fashilmaayo waxaan sawirtaa Anigoo ku guulaystay Asaga 

micnaha shaygaas Anigooba helay 

HADA Bill Gates wuxuu ku leeyahay markaan jaamacada ka tagay waxaa ii sawirmay inoo wadada

jiifo homeless ah laakiin sidoo kale waxaan iska dhaadhiciyay markaan buugaan Akhriyay ka waran

hadii aad ganacsade wayn noqoto yacnii midaana waa maxquul midaana waa macquul n

maxaa keenay micnaha shaygaas xun kaliya inaad fiiriso wax walba dhan wanaagsan ayay leeyihiin 

markale Qoraagu wuxuu ku leeyahay Ayadoon wax rajo ah muuqanin xitaa hadii aad iska dhaadhiciso

rajo inay jirto ugu yaraan si aad Tallaabada uqaado saamayn wanaagsan ayuu Arinkaan noloshaada ku 

yeelanayaa Qodobka koobad ina aanan ka bixin xakamaynta fikira iyo waxaa aad dareemayso 

micnaha xaalada sawirashada shay xun in aadan u ogolaanin saamayna uu kugu yeelanaayo


2)AFKAARTA  WAXAY SAAMAYN KARTAA WAAQICA DHULKA YAALO iyo 

dhinaca xun ama dhinaca wanagsan 

Qoraaga buugu wuxuu muujinaya ahmiyada afkaarta maskaxdeena ku jirta  iyo sida ay jirkaada 

usaamaynaso xitaa inta aan wax kale lagaarin  macanaha waxa maslaxdaada ka dhux guuxaya 

saamayn toos ah inay jirkaada ku yeelanayso  xitaa qoraagu wuxuu leeyahay afkaartaa maskaxdeena 

ku jirta xitaa inay saamayn ku yeelanayso dadka inagu hareeraysan



3) U OGOLAANTA  AFKAARTA XUN INAY KU MAAMUSHO WAA WADADA LA HUBO EE

                               FASHILKA 

Afkaarta xun ama malaynta xun waxay dhalisaa Rajo xun macnaha filashada waxa xun

waxay dhalisaa iska fadhi 

Tusaalae /  hadii aan dhahno qof uu maanta magaalada uu danka leeyahay 

sida  raadinta shaqo laakiin ay niyadiisa ay ku jirto markuu guriga ka baxaayay in aanu shaqo

helayn shaki la.aan guriga kamaba bixi karaba inaat xitaa wax kale la gaarin 

micnaha maanta hadii ay niyadaada ay ku jirto in shaygaas laguu soo  diidaayo shaqadas in aadan

helayn  bal ii sheeg niyada ku siinayso inaad Aslan gurigaada ka baxdo 

cabsida iyo mala Awaal ka hore filashada wax xun waa caqabadaha ugu wayn ee ku hortaagan 


4)is ku xirnaanta CAQLIGA WAYN 

wuxuu leeyahay qoraagu Bani Aadamku Dabka ayuu iska qaataa sidoo kalena wax ayay wadaagaan

micnaha waxaa jira waxyaabo isku xiro xidhmooyin mabaa dii. yacnii layska soo dhaxlay 

tusaake wuxuu usoo qaatay HOromarka maanta caalamka kataagan waa mid laysu soo dhiibay

umad walba dabcan wax ayay caalamka ku soo kordhisaa cimiga iyo macrifadana cid gooni 

uleh malahan ma jirto cid dhihi karto cilmiga anagaa iska leh 

wuxuu kawadaa Uuna tusaalahan usoo qaatay 

KU Dayashada Qof  wax kaaga fiican ka dibna qaabka aad Adiga dooranayso yacnii ka qaadashada

fikir tawaaduc in micnaha qof walba wax ku fiican yahay inaad Adig ubaahn tahay dadka

dadkana ay ayagana kuu baahan yihiin Qof walba tijaabadiisa uu leeyahay aad qadariso 


5)miraha aad guranayso MAANTA waa wixii aad SHALAY soo beertay

midhahhasina waxay noqon karaan midho wanaagsan ama qaar xunba

wuxuu ku leeyahay xaaladaas aad ku jirto maatna haday tahay mid xun duruufaha ha 

dhaleecaynin dadka kalena ha dhaleecaynin waa shay aad adiga qaladkiisa leedahay ama

aad soo samaysay maantna midhihiisa ayaad guranaysaa xumaan iyo saan waxay yihiinba 

yacnii Qofka kaliya ee mas.uulka ka ah ama cida Ay Arinkan ay dushiisa saarantahay waa Adiga 

ha ooyin cidkale ha dhaleecaynin ha quusanin casharka qaado ka dibna ka sii soco 

qodobkaan waxaad ka fahmaysaa masuuliyad ayaad isa saaraysaa  mihnaha 

Go.aanada aad soo qaadatay midhahooda waa inaad gurataa cid kaena aadan dhaleecayn taas

oo keenaysa waxa aad samayn  doonto markale inaad ka fiirsan doonto lakiin hadii aad dadkale

dhaleecaynayso  waxaad mar kale si indho la.aan ah go.aano ama ficilo soo celinaayo ficilkii

aad ku dhacaday ama mid lamida ee aad maanta ka shalanayso 


HADABA GUUGAAN wuxuu xooga saarayaa inay muhiim tahay sida ad UFIKIRAYSO 

MARWALBA IYO FILSHADAAD DHINACA XUN IYO DHINACA WANAAGSA INAY

SI TOOS AH KUU SAAMAYNAYSO