Furaha Albaab Walba
Hordhac:
sidaan wada ognahay Qof walba oo naga mida wuxuu leyahay duruufihiisa ugaarka ah
shardi maaha waxa hebel iyo heblaayo ku haboon inay adigana kugu ha boonyihiin
hadii uu qof inaga mida waxbarashada joojiyo si uu ushaqeeyo Arinkaan kama dhigna in dadka
oo dhan ay qasab tahay ama ay sax tahay ama ay tahay wadada kaliya inaad waxbarashada joojiso
si aad ushaqayso OGOOW WAXBARASHO MIDA UGU FIICAN WAA MIDA AAD ADIGA
ISBARTID EE MAAHA LAGUGU QASBO,,
Bani aadamku isku mid maaha qaar ayaa ganacsiga ku haboon caqliyad ahaan iyo shaqsi ahaanba
Qof maskiin xishoonaya Aanan Hadli karin waxaa ku Adag inuu ganacsi sameeyo sababtoo ah
ganacsigu wuxuu ubahan yahay Qof aanan ku Aqoonin inaad wax ka dhaadhiciso in aad dhiiran
tahay ityo Qof ku haboon inuu yahay macalin inuu wax sharxo inuu udulQaato Dabcan ALLAH
ayaa sidaas ugu tala galay Dunidaan DAD waxa jira waxba aanan qaban karin ilaa ay cidkale
mas.uul ka tahay iyo Qof neceb in Amar lasiiyo wadan walba deegaan walb wuxuu leeyahay
Duruufihiisa ugoonida ah Yacni NOLOSHAN ADUUN MAJIR HAL QAAB ama hal wado
oo noloshan la raacaayo oo aan leenay hebelba wadadaas ayuu maree Hdaba anaga aan marno
si aan uguulaysano qof walba dhinaciisa ayuu ugu jiraa nolosha
Qof walboo naga midaana waa qiso lugaynaysa LAAKIIN waxa ugu muhiimsan ee Adiga ku
Quseeya waa ka qaadashad tijaabooyinka kala duwan cashar ka dibna aad is bar-bar dhigto
noloshaadana aad ufiiriso falsafadaada nololeed meesh aad ku soo kortay ama caqliyadada aad
lasinto
SIDAAN FILAYO waxay umuuqataa inaan bixiyay afeef hore oo gogol dhig u ah mowduuca
aan ka hadli doono Waqti xaadirkaan ee ku soo dhawaada mudaneyaal iyo marwooyinka
buugaan aan dinla wadaagi doono ee "The master key system,, waxaa lagu magacaaba hooyada
buugaagta micnaha book ay afkaro badan buugaag kale ka qaateen
waxaana buugaan la qorau 1912 kii yacnii waa waqti fog waana buugaagta sidaan soo
sheegnay dabka ay ka qaataan inta badan buugaagta maanta horumarka shaqsiyadeed ka hadlo
book uu yidhi ninka (Bill Gates ) ee caanka ah Asagaa igu dhiirigaliyay in aan hawshayda ugo.o
ka dib markaan Qaabkaan ufikiraayay uu wax badan igu soo kordhiyay
Kuma lihi yacnii book %100 ayaad faaiido ka helaysaa ama wax walboo ku qoran waa sax
sababto ah waa book Bani Aadam uu Qoray waxyaabo badan oo faa.iido lehna way ku jiraan
taas badal keedna wax badan oo ka khaldana way ku jiraan
ka waran hadan ku idhaahdo buugaan waa ka sababay inuu BILL GATES iskaga tago
jaamacadiisa sababtoo ah buugaan wuxuu xooga saarayaa maskaxda iyo qaab ka aad ufikirayso
Hadaba waxaan rabaa inaan kula wadaago 5 qodob oo buugaan aan ka soo xulanay 5 fikir kaliya
ayaan kala soo baxaynaa
1)Xakamaynta Afkaartaada Waa Sirta Guushaada
muxuu ka wadaa Qoraagu kaalay aan gudaha u galnee
inuu tusaale ahaan usoo qadanayna Bill Gates dabcan waxaad Qiyaasi kartaa Arday jaacad
dhiganaya waqtigaas yacnii meel cidwaliba ku taamayso xaalka Aduun kuna sidaan ma ahayn
waqtigaas laakiin Go.aan saday inuu joojiyo jaamacadaas hadaba waad qiyaasi kartaan
afkaarta cabsida ah iyo sawirashada shar wax soo wajahaayo yacnii hadii uu katago jaamacada
inuu is arko isagoo laamiga jiifo qodobkaan Qoraagu wuxuu leeyahay sirtu waa Afkaarta
shaygaas maskaxdaada ka guuxaayo inaad u ogolaato iyo in kale saamayn toos ah inuu ku yeesho
Qaabka ay noloshaadu usocoto
tusaale Qoraaga ayaa leh waxaan ogaaday in markaan fisho dicitaanka wax xun maskaxdayda
aan galiyo sidii micnaha shaygaas inuu dhacay oo kale aanan waxba qaban karin ayaan ogaaday
ayuu yidhi Qoraagu bal xitaa ka jidh ahaan sariirta aan rabo inaan iska joogo
LA SOCO QAYBA LABAAD
0 Comments