DHINACA  XUN  EE  DHIIRI  GALINTA 

maanta caalamka si Guud  ahaaneed  mowduuca dhiiri galinta  uu  aad ugu badan yahay 

yacnii you tube  ka waxaa ku jira millions muuqaalo dhiiri galin ah luqado kala duwan 

Hadaba  ma ogtahay  micnaha muuqaaladaa badan ee dhiiri galinta ah ay dhinac xun leeyihiin 

waliba aad u badan Qof kuna uu dareemi karo micnaha waan hubaa Qof mowduucan Akhrinaayo

inuu maalin iswaydii yay muuqaalada dhiiri galinta ah  badan ee  uu  Arkaayo  inay ku 

Gaadhsiin karaan marxalad uu qofku dambi Dareemo  uu lee yahay waxba ma tihid oo kale 

sida inuu is yasaayo oo kale .


waxaa jirta jumlo ku jirta film EGPTIAN   AH  oo aan filaayo inaad wuxuun ka fahmi doonto

''dawada uu qof  qaadanaayo ee caafimaad kiisa wax ka badalaysa hadii xadkeeda la dhaafiyo

WAA GEERI  micnha dhimasho ayay sababi kartaa  hada waa dawaadaas  aad ku daawoobayso

micnaha way isla socdaan  hadii xadkeeda aad dhafiso waxa macquul ah inay ku disho shaki 

La.aan way ku dilaysaa,, 


Arinka la xiriira dhiiri galinta oo maanta noqday meel dad badan ay ganacsi ka dhigtaan 

micnaha waa ganacsi ku dhisan millions lacag ah


ka Aniga ahaan waxaan isku dayaa inaan ugu yaraan macluumo inaan kula wadaago ama 

aan shay ku tilmaamo markaa waxaan kugula talin lahaa inaad iska ilaalisid saamaynta ay kugu

yeelan karaan muuqaaladaas badan ee dhiri galinta ah ,,

ama dhinaca xun ee dhiiri galinta 

Maanta waxa ugu fiican ee uu qof kula wadaago waxan dhihi karnaa waa  macluumaad ama xog 

Tusaale Adigoo meel ku lumay hadii qof ku dhaho Albaabka laga baxo halkan weeye  shay waxa

weeye wuxuu ku siiyay macluumo badbaado ah

LAAKIIN

Dhiiri galinta hadalka kaliya ah waxay sababi kartaa marxalad uu qofku is dhahaayo 

noloshaba uma qalntid oo kale


markaa Aniga shayga kaliya ee aan kula wadaagaya waa inaad bani Aadam tahay  ee Robot aadan

ahayn jadwal hadii aad dagsato shardi inaany ahayn 100% ku socoto  xiliyada qaar waad caajisaysa

wahsi ayaad la kulmaysaa 

tusaale  hadii aad mobile ka aad isku yara illowdo oo kale aad ka mashquushu hawl kuu taalay 

caadi micnaha Bani Aadam ayaad tahay  

micnaha markay Arinkaas oo kale ku soo marto inaadan dareemin inaad qof xun tahay  yacnii

mar kale bani aadam ayaad tahay ee Aqbal sida ay noloshu usucoto 

sidoo kale ma jirto hal wado taas oo kugu hagi karta meesh aad rabto 

Aduunkaan noloshaan aduun hadii waxbaranayso hadii aad ganacsi samaynayso 

ma jirto hal wado oo la raaco  micnaha qof walba wadada uu raaco ama wixii juhdiya ee aad 

Awoodo wixii micnaha macrifo macluumo aad ka haysato  aad ku dhaqaaqdo waxaan hubaa

inaad wax uun ka xaqiijin doonto shaygaas aad ku dhaqaaqday intuu doono haleekaadee 


micnha ALLAH noloshaan Aduun hal cid gacanta umuuna galin ma dhihin hebel qaabkuu raaco

hadaadan raacin waxba ma tihid 

Adiga insh Allah dadaalka iyo wadada aad samaysato allah wuu ku waafajin 

micnaha marlabaad ayan ku leeyahay majirto halqaab oo nool yahay NOLOSHAAN ADUUN

hadii aad u fiirsato kubada cagta 11 ka ciyaar yahan ee ciyaaraayo ee halka koox uciyaraaya mid

walba qaab gooniya ayuu leeyahay 

tusaale NEYMAR.JR  IYO LIONEL  MESSI  

Isku si uma ciyaaraan micnaha isma shabahaan  wayna kala duwan tahay qaabka uu mid waliba 

u ciyaaro kubada taasina waxay kuu cadaynaysaa inaanay Aduun kaan jirin hal wado oo la raaco

kaliya waa wadada Aad Adiga raadsato 

tusaale  madhi karno messi hadii aanu uciyaarin qaabka uu Nemar kubada uciyaaro micnaha 

waxba mitid  sababtoo ah laacib walba xirfad u gooni ah ayuu leeyahay   


WAANA QAAB KA SAXDA  EE DUNIDAAN INAANY JIRIN HAL  QAAB  OO LA RAACO