#**WAXYAABAHA DILA SHARAFTAADA

waxaa jira khaladaad Guud oo aynu dhamaanteen samayno

ku waas oo si Qunyar ah udila XUSHMADA IYO QADARINTA AY DADKU INOO

HAYAAN.


Qadarinta iyo xushmadu maaha wax lagu helo habeeno kooban,

Balse waxay ubaahan tahay KASBASHO inaad dadka kasbataana 

waxay ubaahan tahay shaqo ADAG IYO SAMIR


#**FICILADAN SAMEE HUBAAL WAXAAD NOQON DOONTAA QOF LA XUSHMEEYO

1*samee wax ka fiican waxa ay dadka kale sameeyaan.

wakhtigan Aynu joogno uba baahnid inaad noqoto Geesi Hal gamaa ah 

si laguu xushmeeyo.


BALSE WAA INAAD SAMAYSO. 

wax dadka kale aysan marnaba ku fikirn.

TUSAALE:

hadii aad maskaxdaada ka baadho dadka aad inta badan xushmayso.

waxaa kuu soo bixi doonta in dadkaasi ay Aragti Ahaantaada  ku

GUULAYSTEEN. samaynta waxyaabo waa wayn isla markaana ay

dadka sifiican ula dhaqmaan,


Bani Aadamku ma jecla dadka kale oo ka fiican.  balse markaynu Aragno

Qof sameeyay waxyaabo cajiib ah  isla markaana hadana sifiican inoola

dhaqmaya waxaa hubaal ah inaynu QOFKAA QADARIN DOONO.


2, WALIGAA QOF WAXBA HAKA BARYIN

Hadii aad Qof wax ka Rabto dhibaato maleh  inaad Qofkaa wax waydiisato

Balse waligaa ha BARYIN.**Sideedaba Bani Aadamku Qofka barya  waxay

Uyaqaanaan inuu ka DACIIFSAN yahay.** waxaana Adkaanaysa inaynu

Qofkaa QADARINO sidaa Darteed Qofna waligaa waxba haka BARYIN,


3>WALIGAA HA NOQON QOF BAAHI BADAN

Hadii aad baahi Uqabto in Dareen ahaan laguu taageero.

ama aad baahi Uqabto qof aad jeceshahay, SHAQO/LACAG AMA

SHAY KALE .


waligaa dadka ha Tusin inaad waxaa Aad ugu baahan tahay

dadka qaar waxaa laga yaabaa inaysan waxba u Arag inay

Arkaan Qof BAAHAN.


Balse dadka badan koodu Qofkaa hoos ayay u eegi Doonaan.

#*Inaad dadka ka tan badiso Codsiyadaada./ ama Su.aal waydiin badan

waxay sababaysaa in Qiimaha Aad Agtooda ku leedahay u hoos udhaco.

MANA HELAYSID XUSHMADA IYO QADARINTA AAD RABTID.


4,KU  IS TAAG CAGAHAAGA

dhamaanteen waxaynu nahay Bani Aadam waxaana aynu la kulanaa

Wakhtiyo Adag dhibaatana ma leh inaad mararka Qaar OYDO MURUGOOTO


Balse waligaa waxyaabaha ha ku hor samayn DADKA HORTOODA xitaa

marka aad Naxdin Aad U wayn Dareento Ku istaag CAGAHAAGA oo iska

dhig Qof dagan markaas dadkuna Aad ayay kuu xishmayn Doonaana, 


5,* XUSHMEE NAFTAADA OO IXTIRAAM

waxa aad u Adag inaad dadka kale xishmad ka hesho hadii Aadan

Adigu NAFTAADA XUSHMAD UHAYN


Si aad naftaada u shumayso ilaali BALLANTA AAD NAFTAADA LA GASHO

oo Aamin Qiimaha Aad Adigu leedahay** sidoo kalena haka baxsan 

dhibaatooyinka NOLOSHA ee Aad Wajahayso  

OO LA TACAAL


Ugu damabyntii waxaa hore loo yidhi (ROMA MAALIN LAGUMA DHISIN)

oo wakhti ayay Qaadanaysaa inaad dabeecado cusub  barato

oo la qabsato caadooyinkas wanaagsan,

BALSE WAX KAS WAXAY UBAAHAN YIHIIN (SAMIR/IYO* ADKAYSI)