*SIDA LOO NOQDO QOF WAX SOO SAAR LEH,
Dhamaanteen waxaynu jecel nahay inaynu wax soo saar badan yeelano
oo aynu howlo badan Qabano** balse mararka qaar ayaa waxaynu
is Aragnaa inagoo wahsanayna oo WAKHTIGEENANA uluminaynaa
si Aan kas Ahayn.
Hadaba. Baadhitaano la sameeyay Ayaa waxay soo saareen ilaa 6.QODOB.
oo Aad wax soo saarkaaga Kor ugu Qaadi karto kuna noqon karto
FIRFIRCOON .6 daa Qodob waa kuwan ee sifiican UGA BOGO.
1)100% DIIRADA SAAR WAXA AAD QABANAYSO.
dadka wax soo saarka leh 100% waxay Diirada daaraan oo ay
KU FOOGNAADAAN.** hawsha ay Qabanayaan. markay Howl bilaabaan
Qabashadeeda waxay iska fogeeyaan WAX KASTA OO MASHQUULINAYA
sida mobile ka iyo waxyaabaha la mid ka ah.
2)SAMAYSO LIIS AY KU QORAN YIHIIN HOWLAHA AAD QABANAYSO.
Habeenkii markaad sii seexanayso ama subaxii markaad soo kacdo
Qoro liiska Hawlaha Aad maalintaa Qabanayso.
sababto ah waxa ugu wayn Qofka Caajiska ama wahsiga ku keena
waa isaga oo aan Garanayn ama Aanay Uqorshaysnayn wixii uu
waan lahaa,
3)HA SUGIN INTA AY NIYADAADU AY FIICNAANAYSO.
inkasta oo aan kula jeclahay inaad mar walba iska faraxsanaato
Hadana XAQIIQADA noloshu sidaa maaha** maalin waxaa laga yaaba
Niyad-jabsan tahay maalin kale waxaa laga yaaba inaad xanaaqsan tahay
HA SUGIN INTA NIYADAADA HAGAAGAYSO.** ee aad niyad uhelayso
inaad Hawl Qabato Balse Hawsha Qabo Adigaa Oo aan Niyad uhayn
(inaad sugto inta ay niyadaadu fiicanaanayso waxay dilaysaa wax soo sarkaaga)
4)IS DHIIRIGALI,
Hadii Dhiiri galin Dareemayn Xiliyada Qaar inaad Shaqo Qabato Jeclaysan
maysid,** wax soo saarkuna micno kuu yeelan ogay sababha ka Dambeeya.
dhiirigalin LA.AANTA ku haysata oo HAGAAJI si aad Unoqoto Qof wax soo
saar leh,
5)HA SUGIN WAQTI SAX AH
waqti sax ah mararka Qaar Inaynu waqti ku Haboon oo aynu Hawl qabano
Sugnaa waxay noqotaa Cudurdaar Aynu kaga fogaanayno masuuliyadeena
iyo Hawlaha aynaan Jeclaysanayn Qabashadooda inaad sugto waqti ku
Haboon oo aad hawl qabataa. MARNABA KAA CAAWIN MAYSO inaad hawlahaaga
dhamayso. HADA BILOW HAWSHA AAD QABANAYSO,
6)UBALAN QAAD NAFTAADA ABAAL MARIN,
UBalan Qaad naftaada Abaal marin Fiican Dadka Aan wax soo saar ka
lahayn kuma raaxaystaan WAQTIGOODA.sababtoo ah niyada ayay
DAMBI KA DAREEMAAN.**
hadii aad Naftaada Ubalan Qaado inaan waqti fiican oo Firaaqo
ah siinayso markaad hawlahaaga Dhamayso waxaad ku RAAXAYSAN
doontaa Waqtigaa yar ee FIRAAQADA AH.
WAX SOO SAAR FIINA WAAD YEELAN DOONTAA.
''HADALKA OO KOOBAN WAQTIGAAGA SHAQO DANTAADA AH UHUR
OO KALIYA. WAQTIGU WAA NOLOSHAADA OO DHAN,,
0 Comments