*DADKA HANKA SARE LEH.
Maxaa sababa inay dadka Qaar kood noqdaan Qaar
HAMI SARE LEH.
halka dadka Qaarna Umuuqdaan Qaar Aan waxbaba danayn
oo aan iyo Himilo toona lahayn.
''miyaa lagu dhashaa ama la dhaxlaa HAMIGA SARE?
mise wuxuu xidhiidh la leeyahay Qofka HIDADIISA.
** mise Qof kastaba wuu noqon karaa Qof Hami sare leh
**muxuuse yahay Farqiga Udhexeya DADKA HAMIGA SARE LEH
iyo DADKA CADIGA AH,,
HADABA**dadka Qaar ayaa umalaynaya inay dadku dhashaan
HAMIGA SARE,**waxayna kasoo Qaadan in Hadii Iyagu Aanay Hami sare
lahayn ay micnaheedu tahay (inaanay udhalan inay hami sare yeeshaan)
**Taasina waxay sababtaa inaanay isku Dayinba inay HAN-SARE YEESHAAN.
Hadaba Hdaii aad fahanto sababta dadka HAMIGA SARE leh ay unoqdeen
Qaar MUSTAQBALKOODA HAN-SARE KALEH,
**Aad Adna sidoo kale Awoodi Doonto inaad barato sida loo Noqdo
Qof Hami sare leh si lamida sida ay dadkaasi Ubarteen,
waxaa jirta Hab Aad samayn karto oo Aad ku noqon karto Qof
HAN IYO HIMI,O SARE LEH.** xitaa Hadii Aad Imika tahay Qof aan noloshaba
HAN IYO MASTAQBAL FIICAN kala hayn.
Hadaba inta Aanan Hbakaa kuu sheegin waxaad ubaahan tahay
inaad fahanto**sababaha dadka Qaar ka dhiga inay Qaar Hami sare leh.
MUXUU DADKA QAAR HAMIGOODU USAREEYAA?
Hdaba si aad Unoqoto Qof HAMI SARE LEH waxa ugu Horeeya ee lagaaga
baahan yahay,** waa inaad Naftada Cadaasi Galiso.waa inay jiraan
wax ku cadaadinayaa.
TUSAALE:
Hadii Meel aad ka Shaqaynaysay lagaa Eryay isla markaan aad waydo
waxaad Qarashka gurigaaga iskaga bixiso.
waxaa ku fuulaya cadaadis.DHAQAALE XUMO.taas oo sababaysa
inaad wax isku daydo si aad lacag u hesho HAN SARENA YEELATO.
MAXAA SABABA INAANAY DADKA QAR HAMI SARE YEELAN.XITAA HADII
AY DHIBAATO DHAQAALE XUMO HAYSATO?
Hadaba .waxaa laga yaabaa inaad Taqaano Qof Xaalad Adag ku jira
Balse hadana Aan Ahayn Qof HAMI NIYO HADAF NOLOSHA KA LEH.
Xaqiiq Ahaan dadka badan koodu cadaadis nolosha way la kulmaan
balse cadaadis kaasi kama dhigo Qaar HADAG NOLOSHA KA LEH.
sabatoo ah Qofka Cadaadiska hays si uu HAMI IYO HADAF NOLOLEED
isugu bedelo waa ina Qof ka laga helaa astaamahan.
1.WAA INUU QOFKU YEESHAA HAB FIKIR CAAFIMAAD QABA.
TUSAALE.
Hadii UU Qofku fikir khaldan ka Aaminsan yahay TAAJIRNIMADA IYO HANTIDA
sida *inaan la gaadhi karin ama la heli Karin lacagtaa badan.
''hab fikirka Aan caafimaadka Qabin wuxuu dilaa xamaasadaada iyo
dhiiranaantaada** waxaanu kaa Hor istaagayaa inaad noqoto
Qof nolosha HAMI SARE KA LEH oo Aamina inuu nolosha meel sare ka
Gaadhi karo"
"hadii aan soo koobno Qodobkan dadka Hamiga sare leh waxay
leeyihiin Hab fikir Caafimaad Qaba. **sidoo kale waxay Aaminsan Yihiin
RAJO JIRTO MAR WALBA"
2.WUXUU AWOODAA BARASHADA XIRFADO CUSUB.
Ma noqon kartid Qof Hami sare hadii Aad Aaminsan tahay inaanay
jirin wado Aad kaga bixi karto Cadaadisyada nolosha ku haysta.
**sababtoo ah inaad Xirfado cusub barataa waxay kaa saari karaan
Dhibaatooyin nolosha ku haysta,
TALO WALAALNIMO:
{noloshu maaha meel iska fudud oo Raaxo loogu tala Galay
*BALSE WAA NOLOSHA DHAB TA AH WAA DADAAL IYO DHABAR ADAYG JOOGTA AH }
0 Comments